Juventus oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Lokomotiv Moscow

Juventus ayaa si dirqi ah kaga soo adkaatay kooda Lokomotiv Moscow oo ay ku booqatay garoonkeeda RZD Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad heerka group-yada ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga dalka Weles ee Aaron Ramsey

Daqiiqadii 12-aad kooxda Lokomotiv Moscow ayaa la timid goolka barbaraha waxaana dheesha 1-1 ka dhigay laacibkooda Aleksey Miranchuk.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad Juventus ayaa markale hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 dheesha ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa, waxaana goolkan ka caawiyay Gonzalo Higuain

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Image result for lokomotiv moscow juventus

Image result for lokomotiv moscow juventus

Image result for lokomotiv moscow juventus

Image result for lokomotiv moscow juventus