Juventus oo lacago iyo sadex ciyaaryahan u soo bandhigtay Manchester United si ay heshiiska Pogba ugu garaacdo Real Madrid

Wargeysyada Talyaaniga ayaa soo warinaya in Juventus ay dalab u soo bandhigtay Manchester United, kaasoo ku aadan saxiixa Paul Pogba inta lagu jiro suuqan xagaaga.

26 jirkan reer France ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Manchester United, gaar ahaan tan iyo markii uu sheegay inuu doonayo tijaabinta loolan cusub ee meel kale ah.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad cad ee doonaya inay helaan adeega Pogba, wuxuuna bar-tilmaameed buuxa u yahay inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Laakiin Juventus oo horey uu ugu soo ciyaaray Paul Pogba ayaa u muuqata mid ku guuleysan karta heshiiska laacibka reer France xagaagan, kaddib markii ay dalab cajiib ah miiska u soo saareen kooxda Manchester United.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Manchester United aysan ku iibin doonin Paul Pogba wax ka yar 160 milyan ginni.

Dhinaca kale wargeyska ayaa tilmaamay in Juventus aysan gacanta ku heysan xiligan lacagaha ay ku dooneyso Manchester United inay ku iibiso Pogba, laakiin waxaa jira xal kale ay laacibka reer France dib ugu soo celin karto garoonka Allianz markale.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Manchester United dalabka ay ku dooneyso inay kaga iibsato Paul Pogba ee ah lacago iyo saddex xiddig kale kuwaasoo kala ah João Cancelo, Blaise Matuidi iyo Douglas Costa, si ay qeyb kaga noqdaan heshiiska.

Yeelkadeeda, heshiiska uu Pogba ku joogo kooxda Manchester United ayaa wuxuu ku dhamaan doonaa xagaaga 2021.