Juventus Taariikh ka dhigtay Horyaalka Seria A-da Italy

Laacib Sports : Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa 2-1 uga adkaatay kooxda Sampdoria kulankii 19-aad ee horyaalka Serie A-da dalka Italy ee xilli ciyaareedkan kaa oo u horseeday Rikood Taariikhi ah in ay sameeyso.

Ciyaaryahanka u dhashay wadanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa wada dhaliyay labada gool ee ciyaarta kuwaa oo ka dhignaa goolashii 100-aad ay Juventus xagaagan ka dhaliso dhammaan tartamadii ay ciyaartay.

Ugu dambeyntii guusha Juventus ayaa la micno ah inay Rikoor Taariikhi ah ka sameysay horyaalka Serie A-da kaddib markii ay ururusatay 53-dhibcood 19-kulan 17-kamid ah ay badisay halka barbar dhac ay gashay 2-Jeer.

Critiano Ronaldo Juventus