Ka Hore Kulanka kooxaha Chelsea iyo Manchester City Xaqiiqooyinka laga diiwan galiyay

Manchester City Ayaa Laga Badiyay Seddax Kulan Shantii Kulan U Dambeesay Ay iska Hor imaadeen Kooxda Chelsea Horyaalka Premier League, Halka Ay Man City Badisay Labo Kulan.

3/Dec/2016 Man City Vs Chelsea ( 1:3)

5/April/2017 Chelsea Vs Man City ( 2:1)
30/Sept/2017 Man City Vs Chelsea (1:0)

4/Mar/2018 Man City Vs Chelsea ( 1:0)
8/Dec/2018 Chelsea Vs Man City (2 :0)

Chelsea Ayaa Kaliya Kusoo Badisay Garoonka Etihad Stadium Labo Kulan Sagaalkii Kulan U Dambeeyay Ay Booqato Halka Guuldaro Ay Kala Soo Kulantay 6-kulan iyo 1-barbar Dhac Ah.

Markii Ugu Dambeysay Ay Chelsea Kusoo Badiso Garoonka Etihad Stadium Waxay Eheed 3/December/2016 Markaas Oo Ay Kusoo Badisay 3:1, Tallow Maanta Maku Soo Badin Doontaa.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero Ayaa Shan Gool Ka Dhaliyay Kooxda Chelsea Shantii Kulan U Dambeeyay Uu Ka Hor Yimaadyo Horyaalka Premier League iyadoo Ku Jirto Sedaxleydii Uu Ka Dhaliyay April 2016.

Sido Kale Weeraryahanka Chelsea Edan Hazard Ayaa Kooxdiisa Gacanta U Galiyay Shan Gool Shantii Kulan U Dambeysay Uu Ka Hor imaado Kooxda Manchester City 3-gool Wuu Dhaliyay Halka 2-gool Uu Caawiyay.

Sergio Aguero Ayaa 11-gool Ku Dhaliyay Garoonka Etihad Stadium 11-kulan Uu Ku Ciyaaray Xilli Ciyaareedkaan.

W/Q:Nuuradiin Diinaan