Kabtan Ramos Oo Ka Hadlay Hadii Ay Markii 4aad Gacanta Ay Ku Dhigi Karaan Champions League

Kabtanka Real Madrid ayaa xoojiyay fekeradda ku saabsan in Real Madrid ay markii afaraad oo xiriir ah ay ku guuleysan karto tartanka Champions League.

Daafacaan udhashay dalka Spain oo wariyaasha la hadlay kadib kulankii ay wajaheen dhigooda Plzen, taasi oo kusoo dhamaatay 5-0 ayaa farxad ka muujiyay guushaasi.

“Si wanaagsan ayaan ushaqaynay, waxaana ku farax-sanahay inaan guushaan gaarno,” ayuu yiri Ramos, oo intaas ku daraya: “Waa inaan sii wadanaa bandhigyadda noocaan ah.

“Aniga, shaqsi ahaan, waxaan isku tex-luujin doonaa sidii aan uga shaqayn lahaa midaynta kooxda, iyo isku dabaridka, inta garoonka lagu jiro,” ayuu yiri.

“Ma garan karo, sida aan u qiyaasi karo, waxa dhici kara dhamaadka xagaagan, balse taasi waa waxaan dooneyno,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay hadii ay hanan karaan Champions League xagaagan.

“Kooxda waxaa ka go’an inay daafacato sharafteeda, waana sababta aan halkaan ujoogno,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibka Los Blancos.