Kabtan Sergio Ramos Siduu Uga Fal-celiyay Isbedalada Hogaanka Xulka Qaranka Spain

Kabtanka xulka qaranka kubada cagta Spain ee Sergio Ramos ayaa waxaa uu uga hadlay baraha bulshadda isbelada ku dhacay hogaanka dalkaas, gaara ahaan dhanka tababaraha.

Tababare Julen Lopetegui ayaa laga eryay shaqadda maanta oo Arbaco ah, xili saacado un kadib loo magacaabay Fernando Hierro bedalkiisa.

Lopetegui ayaa la rumeysan yahay in sababta uu xilkiisa ku waayey ay tahay inuu macalin unoqdo naadiga kubada cagta Real Madrid.

Labada shaqsi ee leysku bedal ayaa waxay yihiin kuwa horey usoo maray Real Madrid, inkastoo Julen Lopetegui uu labada Barcelona usoo dheelay, xili uu ahaa Shabaq-illaaliye.

Kabtan Sergio Ramos oo fariin kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ugu baaqay ciyaartoyda inay midnimo muujiyaan.

“Waxaan nahay koox qaran, waxaan gaashaan unahay, kalaro isku mid ah, hiwaayad iyo dal,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

“Masuuliyadda waxay saaran tahay adiga, balanqaadkana adiga ayaa laga doonayaa,” ayuu xusay.

“Berri, maanta iyo Saa-dambe, waa wadajir, #HoreyUsocoSpain,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Kabtanka xulka qaranka ah, ahna Daafaca birta ah ee dalkaan, Sergio Ramos.