Kadib 4-tii gool ee xalay uu dhaliyay Salah, Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool oo islaamay

Mohamed Salah ayaa xalay sabab u noqday ilaaheey ka sokoow inuu islaamo mid kamid ah taageerayaasha kooxda Liverpool

Wiilka reer Masar ee Muslimka ah ayaa xalay kooxdiisa farta ka saaray guul wayn oo kooxdu ay ka gaartay Watford oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 5-0

Salah ayaa dhaliyay 4-kamid ah 5-ta gool ee xalay Liverpool ay ku adkaatay, sidoo kale isaga ayaa caawiyay goolka kale ee uu dhaliyay Firmino

Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay caawa inuu qaatay diinta islaamka kadib qaab cayaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah

“Waxa Mohamed Salah uu samaynayo xilicayaareed kaan waa wax aad cajiib u ah, si rasmi ah ayaan u qaatay diinta islaamka” أشهد أن لا اله إلا الله وان محمد رسول الله” ayuu soo qoray taageerahaas

Ninkaan ayaa ka dhabeeyay hees taageerayaasha Liverpool ay u sameeyeen Salah taas oo ay ku jirtay inay islaam noqonayaan haddii uu markale gool dhaliyo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com