Kadib Guul Daradii Xalay, Guardiola Muxuu Ka Yiri Hadii Ay Ka Quusteen Qaadista Champions League

FC Basel ayaa xalay waxay dharbaaxo kulul ugu soo dhuftay Manchester City, kadib markii ay kusoo garaacday 2-1, waliba iyadoo la joogo Etihad Stadium, laakin taasi kama aysan saacidin inay usoo baxaan wareega Sideedka, oo City ayaa soo gudubtay.

Sikastaba, Pep Guardiola, macalinka Sky Blues ma ahan mid ku farax-san bandhiga ay xalayto sameysay kooxdiisa, wuxuuna sheegayaa in muuqaal ciyaareedkooda xalay uu ahaa mid liita oo Cajiis ah, isagoona cod dheer ku sheegay in aysan wax Banooni ah.

Geesta kale, macalinkii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa wuxuu ka hadlay hadalheyn uu sheegay inay dadka iska dhexmarayaan taasoo ah in kadib guul daradii xalay ay Man City u diyaarsaneen qaadista Champions League.

Wuxuu daboolka ka qaaday in taasi ay tahay mid aanan suuragal ahayn, maadaama ayuu leeyahay dhamaadka waliba leysma gaarin, isagoona sheegay in shaqadooda ugu fiican ay soo qabsadeen lugtii koowaad, markaasoo ay 4-0 ay kusoo badiyeen.

“Waa markii labaad oo aan guul daro ku helayno [Champions League] laakiin kama dhigna in aanan udiyaarsaneen u dagaalanka iyo qaadista ama xitaa ku guuleysiga tartanka,” ayuu ciyaarta kadib usheegay Guardiola, warbaahinta.

“Waxa aan indhaha laga qarsan karin inaanan dheelin wax Banooni ah, sababtoo ah maba aanan sameyn Baasas badan oo lagu qanco marka laga tago wax xoogaa, taasina waa mid caajis ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray maamulahaan reer Catalan.

“Marka, waan ku farax-sanahay inaan usoo baxno wareega Sideed dhamaadka, waxaana wixii hadda ka dambeeya aan isku deyi doonaa inaan guuleysano kulan walba oo tartankaan ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Guardiola.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com