Kadib Guushii Ay Gaartay Kooxda Muqdisho City Waxaa Barta facebooka Ugu Soo Hambalyeyay Gudoomiye Abuukar Sheekh

Gudoomiyaha kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club Mudane Abuukar Sheekh ayaa bartiisa facebooka ugu soo Hambalyeeyay kooxdiisa kadib guushii ay ka gaareyn naadiga Heegan, ciyaar qeyb ka aheyd Horyaalka Somali Premier League.

Naadiga Muqdisho City Club ayaa guushii ugu horeysay horyaalka ka gaartay kooxda Heegan, waxeyna taas ugu dhigneyd iney heleyn saddexdii dhibcood ugu horeysay horyaalka somali Premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Muqdisho City Club waxey horyaalka  Xilli cayaareedkan ka ciyaareyn 4- kulan 2-kamid ah waa laga badiyay sido kale kulan bar baro aye gashay, halka kulana ay badisay kooxdan, taaso la micna ah in ay leedhahay 4-dhibcood.

Qoraalka Facebooka uu soo dhigay Gudoomiyaha ayaa sida tan u qorna:

‘guushu waxey xambaarsan tahay farxad guuldarana waxey u baahan tahay dulqaad hambalyo taageerayaasha Muqdisho City Club jimco mubarak dhamaantiin hiigsigeeno waa hogaan iyo hormar.

Micnaha hadalka gudoomiyaha ayaa loo fasiri karaa in xidigaha kooxdiisa uu kula dar daarmayo in dulqaadka la badiyo kadibna ay guusha imaaneyso.

Si kastaba kooxda Muqdisho City Club ayaa iminka fadhisa kaalinta 7-aad ee horyaalka iyado kulanka soo aadan ay la dheeli doonto kooxda Gaadiidka, ciyaar ka tirsan horyaalka.

Image may contain: 1 person, smiling, text

W/Q:Cabdifitaax nani