Kadib Isku Aadka Wareega 8 CL, Ogow Xidigaha Kooxdaada Ka Maqnaan Karta Lugta 1aad ama 2aad

Isku aadka wareega Sideed dhamaadka ee tartanka xiisaha leh ee Champions League, ayaa la sameeyay, iyadoona ay kasoo baxeen kulamo waa weyn.

Kooxaha wareega Sideedka jooga ayaa waxay kala yihiin: Real Madrid, Barcelona, Sevilla, Juventus, Roma, Bayern, Manchester City, and Liverpool.

Sideeda koox ee wareega joogta macalimiintooda ayaa waxay yihiin qaarkood kuwa walaac badan ka qaba ciyaartoy ka maqnaan karta lugta koowaad.

Bayern Munich, waa kooxda ay xidigaha ugu badan ka maqnaan doonaa, waxaana ka dhaawacan iyaartoyda kala ah: Neuer and Coman.

Naadigaan oo hogaanka uhaysa horyaalka Bundesliga, ee wadanka Spain, ayaa waxaa lugta labaad ka maqnaan doonta Shan ciyaaryahan hadii ay Jaalo qaataan lugta koowaad, waxaana kamid ah Robert Lewandowski.

Si Kooban – xaalka Bayern Munich

Waxaa dhaawac uga soo laaban kara: Robben, Thiago

Waxaa nan soo laaban karin: Neuer, Coman

Waxaa hal kulan ujira inuu ganaax qabto: Kimmich, Lewandowski, Rudy, Tolisso, Boateng

Ma jiro wax ciyaaryahan ah oo lugta koowaad dhaawac uga maqnaan doona.

Dhanka kale, Juventus ayaa waxaa ay tahay mid ay iyadana ka maqan yihiin ciyaartoyda Bernadeschi iyo Cuadrado, oo dhaawacan, halka Pjanic iyo Benatia ay ganaaxan yihiin.

Manchester City ayaa waxa aysan hubin hadii uu usoo laaban karo gooldhaliye Sergio Agüero, maadaama uu ka dhaawacan yahay, halka Danilo, Gundogan iyo Fernandinho ay hal Jalaalo ujirin inay ganaax hal kulan uu qabto.

Liverpool dhankeeda waxaa uga maqan ganaax Lallana, halka Moreno and Henderson ay Hal jalaalo ujiraan inuu qabto Ganaax kulan ah

Dhanka kooxaha reer Spain, Real Madrid waxay tegi doontaa wareega Sideed dhamaadka iyadoo ay ubadqabaan ciyaartoyda oo dhan, laakiin waxaa Ha Jaalo ujira inuu ganaax qabto kabtankooda muhiimka ah ee Sergio Ramos.

Barcelona waa kuwa dhib badan qaba – Sergio Roberto ayaa qarka usaaran in la ganaaxo, Coutinho ma dheeli doonaa, maxaa yeelay Liverpool ayuu horey usoo metala – laakiin Valverde ayaa wuxuu dib heli karaa Semedo, Iniesta iyo Alba.

Balse, dhibaatada waxay ka taagan yahay Sergio Basquets, kaasoo dhaawac looga saaray kulankii Chelsea – War kasoo baxay Barca, ayaana lagu xaqiijiyey inuu garoomada ka maqnaan doono laacibkaan ku dhawaad saddex Isbuuc.

Ugu dambeyn, Sevvila ayaa waxaa lugta koowaad ka maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Escudero iyo Mercado, maxaa yeelay waa ay dhaawacan yihiin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com