Kalidou Koulibaly ayaa u dhaqaaqayo si uu ugu biiro Manchester United

Daafaca Kalidou Koulibaly ayaa fursad u haysta in uu ka dhaqaaqo kooxda Napoli si uu ugu biiro Manchester United.

 Halka sabab ee arrinta adkayn karta ayaa ah naadiga  ka ciyaarta Serie A iska diiday in ay Man United la xaajooto suuqa bishan Janaayo, taas ku qasbaysa kooxda  ka dhisan garoonka Old Trafford in ay sugto inta suuqa xermaayo 

Kooxda macalin  Ole Gunnar Solskjaer ayaana diyaar u ah in ay sannaddan dhammaystirto saxiixa daafacn sida aadka ah loo qiimeeyo ee  Kalidou Koulibaly

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayay waajib kutahay in aly ka taxaddarto sidii ay ku heli lahayd xiddiga

27-jirka ee xulka  Ivory Coast

Kalidou Koulibally ayaa qandaraas cusub uu  kooxdiisa kusii joogayo tan iyo sannadda 2023 qalinka ku duugay bishii September.

Wargeyska ESPN ayaa baahisay in daafaca kooxda Napoli  uu diyaar u yahay in uu kubiiro Manchester United, taas oo u muujinaysa xiisaha waalida ah ee Man united