kama dambeysta finaalka Koobka General Daa’uud Kooxaha Horseed iyo Banadir Sports Club ayaa galabta isku fara saari doona garoonka Banadir Stadium

Waxaa galabta lagu wada in la soo gaba gabeeyo tartanka xiisaha badan ee koobka General Daa’uud.

Tartanka General Daa’uud ayaa soo bilaawday 21-da bishii September ay soo dhaafnay, waxaana koobkan ka qeyb galayay ilaa 16-kooxod oo kala duwan.

Koobka General Daa’uud waa Tartanka ugu xiisaha badan marka laga yimaado horyaalka Somali Primer League, cayaaristiisa waxaa la bilaaway sanadkii 1971-2.

Kooxaha Horseed iyo Banadir Sports Club ayaa galabta isku fara saari doona garoonka Banadir Stadium cayaarta kama dambeysta finaalka Koobka General Daa’uud.

Horseed kulankii ugu dambeyay waxey rigooroyin ugu soo adkaatay kooxda Dekedda ciyaar la isku xeeqay waqtigii loogu tala galay waxey ku soo dhamaatay bar baro 1-1. Balse waxaa la isla aaday gool ku laad, Horseed ayaa ku adkaatay 5-4 rigooroyin.

Naadiga Banadir Kulan ciyaareedkii ugu dambeyay waxey guul dahabi ah ka soo gaareyn naadiga Bandhiga fiican sanadkan ka sameysay koobka General Daa’uud ee Saxafi Fc, CAyaar ku soo dhamaatay 2-1.

Horseed waxey maankeyda ku heesan iney gacanta ku dhigto markii 8-aad tartanka General Daa’uud hore waxey ugu soo guuleysatay 7-jeer, lakiin isla xisaabtanka Wiilasha Banadir ayaa caqad ku noqon kara Horseed Maadama ay Banadir rabto iney ku guuleysato markii 3-aad koobkan, hore waxey u soo qaaday tiro labo jeer.

Banadir koobkan waxaa ugu dambeysay sanadkii 2012-kii halka Horseed ay gacanta ku dhigtay sanadkii 2015-kii.

Ogeysiis Kulankan:

Tartanka: General Daa’uud

Kooxaha: Horseed Vs Banadir Sports Club

Kulanka: Finaal

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:00

W/Q: Cabdifitaax Nani