Karl-Heinz Rummenigge ayaa wuxuu ka hadlay Mustaqbalka Robert Lewandowski

 Gudoomiyaha kooxda kubada cagta Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in weeraryahanka naadiga  ee Robert Lewandowski uu ka tagi doono xili cayaareedka soo aadan, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaagan

Wargeyska “Bild” ayaa wuxuu sheegay in Karl-Heinz Rummenigge uu xaqiijiyay in Lewandowski uu sii joogi doono kooxda Bayern Munich xili cayaareedka soo aadan, taasoo meesha ka saareysa wararka kuaadanaa inuu ka baxayo

“Aad ayaan u nasiib badanahay sababa la xiriira in Levandowski uu nala sii joogi doono waqti dheer, Ma jirto wax laga walwalo. Robert Lewandowski wuxuu sii ahaan doonaa cayaaryahan kooxda Bayern Munich xilli cayaareedka soo socda”.

Si kastaba weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa heysta heshiis dhacaya ilaa iyo sanadka 2021, waxayan saraakiisha kooxda  Germany doonayaan in laacibkanuu sii joogo garoonka Allianz Arena.