KASHIFAAD: Ciyaartoyda Real Madrid Oo Fajac Iyo An-fariir Ka Qaaday Bixitaankii CR7 [Sababta]

Iyadoo Cristiano Ronaldo si rasmi ah ay ugu dhawaaqday Real Madrid inuu ka tagayo kooxdeeda, islamarkaana uu ku biirayo Juventus ayaa waxaa qolka labiska ee Los Blancos uu ka abuuray go’aankaan niyad jab wayn, Majaladda MARCA ee dalka Spain ayaa fahansan in ciyaartoyda Los Blancos aysan marnaba filayn in CR7 uu qaadan karo go’aan noocaan ah, iyagoo kalsooni ku qabay in Ronaldo uusan bixi doonin.

Inkasta oo ay jireen hadalo leysla dhex-marayay, guux iyo digniino, hadana qolka labiska ee Madrid, marnaba kuma fekerin in Ronaldo uu soo gaba gabayn doono Sagaal sano oo uu Madrid ka tirsanaa.

Talaabadaan ayaa lamid ah midkii uu kooxda lagu naaneyso Los Merengues uga tagay 40 maalmood ka hor macalin Zidane, kaasoo iska casilay shaqadda kooxda ka dhisan caasimadda dalka Spain.

Go’aanka Zidane wuxuu ahaa mid uusan filaynin qof walba oo dunida jooga, si gaar ah xitaa ciyaartoyda Madrid, kuwaasoo markii ay maqleen warkaa Is-casilaadii madax xanuun ka qaaday qaarkood.

Sikastaba, maalmo murugo ah ayaa ka jirta garoonka Estadio Santiago Bernabeu, iyadoona maamulka Los Blancos hadda looga fadhiyo inay keenan bedalka Ronaldo oo loo arko inay yihiin ciyaaryahano badan.