KASHIFAAD: Luka Modric Oo Ogolaaday Heshiis Cusub Oo Uu Real U Saxiixo Iyo Mushaarkiisa

Sida ay ku waramayso Majalada MARCA ee wadanka Spain ciyaaryahan Luka Modric ayaa ogolaaday heshiis kordhin uu usameyo Los Blancos.

Modric ayaa qandaraaska uu kula joogo Madrid wuxuu ka dhaci lahaa sanadka 2020, maadaama uu heshiis kordhin sameeyay afar sano ka hor.

Qandaraaska cusub ee uu ogolaaday inuu saxiixo Modric ayaa waxa uu ku heli doono mushaar lamid ah midka Sergio Ramos.

Laakiin, waxa uu ka dambayn doonan Gareth Bale, kaasoo haatan ah xidiga koowaad ee ugu mushaarka badan Real Madrid.

Talaabadda uu heshiiska cusub ku ogolaaday kabtanka xulka Croatia waxay imaanaysaa xili lala xiriirinayay inuu Inter Milan ku biirayo.

Inter Milan ayaa caddeysatay inay xiisayneyso Modric, laakiin markii la dul-dhigay qiimo waali ah ayay ka gaabsadaan,

Modric ayaa xidig muhiim ah u ahaa dalkiisa Croatia, isaga oo gaarsiiyay Final-kii koobka aduunka 2018, markaasoo uu ka fara-maroojiyay xulka qaranka kubadda cagta Faransiiska.