KASHIFAAD: Marca Oo Shaaca Ka Qaaday 5 Xidig Oo Ay Real U Gaarsaneyso & Booska Uu Neymar Uga Jiro

Real Madrid, ayaa waxay diyaarinayaa maamulkeeda qorshe guud, kaasoo ku saabsan sidii kooxda loo xoojin lahaa fasal ciyaareedka soo aadan, islamarkaana ay ugu keeni lahaayeen Qalcadda caasimada ku taala ciyaaryahano waa weyn.

Los Blancos, ayaa waxaa hada ay ku qoran yihiin magaceeda ama aad loola xiriirinayaa magacyo waa weyn, kuwaasoo la aaminsan yahay inay diyaar utahay kooxda caasimada wadanka Spain ka dhisan sidii ay usoo xero gelin lahayd.

Magacyadda sida weyn loo hadalhayo inay lasoo wareegeyso Madrid, ayaa waxaa ugu horeeya laacibka dunida ugu qaalisan ee Neymar JR, kasoo waqti xaadirkaan dhaawac uga maqan PSG, taasoo uu xagaagii hore uu Barcelona uga soo wareegay

Aabaha dhalay Neymar JR, ayaa wuxuu usheegay maamulka Real Madrid, in wiilkooda uu diyaar uyahay usoo wareegi taanka Madrid, sida laga soo xigtay MARCA, waxaana sheekadaan ay dhacday intii lagu guda xafadladii lagu bixinayay Ballon d’Or bishii Janaayo.

Waxaa taasi ka dambeysa in Madaxweynaha Los Blancos, uu cadeeyay kadib xafladaas in ka koox ahaan ay diyaar uyihiin inay soo xero gelinayaa Neymar, wuxuuna sheegay in wax walba oo uu ku haminayo uu halkaan ku gaari karo.

Sikastaba, MARCA ayaa xaqiijisay in Neymar uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Madrid suuqa bisha soo socota ee Agoosto, islamarkaana waaxyaha kala duwan ee Madrid ay hada isku dubayaan qorsihii lagu soo xero gelin lahaa laacibkaan.

Hadii Los Blancos ay ku guuleysto sanad ciyaareedkan tartanka Champions League, markaasoo ay kooxda heli doonto dhaqaalo badan ay inta badan lacagtaas kusoo iibsan doonto Neymar JR, kaasoo hada PSG ugu fadhiya aduun dhan 222 Milyan oo Yuuroo.

Inkastoo aysan usuura galayn Los Blancos inay hada ku iibsato Neymar lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa, ayaa waxaa Madrid dooneysaa inay Miiska ay usaaraan PSG aduun dhan 300 Milyan ama wax ka badan si ay uga soo faramaroojiyaan kooxda Faransiiska ah

Sidoo kale, Madrid ayaa waxay dooneysaa inay lasoo wareegto Eden Hazard, Harry Kane ama Robert Lewandowski iyo waliba xitaa Mauro Icardi, waxayna xidigahaan diirada ay saari doonto hadii ay ku fashilanto helitaanka Neymar JR.

Harry Kane, Mauro Icardi iyo Robert Lewandowski, ayaa waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa bedal unoqon kara Karim Benzema, kaasoo hada umuuqda mid aanan muuqaal ciyaareed fiican ku jirin, islamarkaana xagaagan dhaliyay goolal tiro yar.

Sidoo kale, Eden Hazard ayaa waxaa isana loo arkaa inuu yahay mid bedali kara Cristiano Ronaldo, kaasoo hada ah 33-sano jir, islamarkaana ay ubadan tahay inuu ka tegi doono Madrid, xili uu horey usheegay in uusan dooneyn heshiis kordhin.

Sikastaba, helitaanka Real ee Neymar ayaa waxay ku dhawaatay sanad ciyaareedkii 2013 markaasoo ay Barcelona ka dulqaaday, laakiin inkastoo aysan wali wax dhicin, hadana waxay saadaashu ubadan tahay inuu wiilkaan Los Blancos maaliyadeeda xiran doono mar aan fogeen.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com