KASHIFAAD: Sababtii Daafaca Barca Ee Sergi Roberto Looga Reebay Liiska Xidigaha Spain Oo La Ogaaday

Daafaca dambeedka midi gee Barcelona, wiilka lagu magacaabo Sergi Roberto ayaa waxaa laga reebay liiska ciyaartoyda qaranka Spain metalaysa kulamada ay la kala balansan yihiin xulalka Jarmalka iyo Argentina, kuwaasoo ah kulamo saaxiibtinimo, Talaabadaan uu qaaday tababaraha xulka qaranka kubada cagta Spain ninka lagu magacaabo Julen Lopetegui, ayaa waxay noqotay mid aad uga yaabisay taageerayaasha Barca, maadaama xidigaan uu ku jiro bandhig ciyaareed heer sare ah.

Lopetegui, ma uusan ku faah-faahin shirkiisa jaraa’id sababta uu usoo xulan waayey laacibkaan, laakiin Majalada SPORT, ee kasoo baxda wadanka Spain, gaara ahaan Magaalada Barcelona, ayaa waxay soo bandhigtay sababta.

Iyadoo soo xiganeysa SPORT, saraakiil ka tirsan xulka Spain, oo aysan magac-dhabin waxay loogu dusiyey sababta inay tahay inuu doorbiyo maamulaha qaranka La Rojo lagu naaneyso ciyaaryahan dambeedka midig ka dheela oo booskaas gaar u ah.

Dani Carvajal, oo Real Madrid udheela iyo waliba Alvaro Odriozloa, oo kooxda Real Sociedad ka tirsan ayuu soo xushay macalin Lopetegui, isagoona iska indho tiray Sergi Roberto, kaasoo muuqaal ciyaareer heer sare ah soo bandhigay kulamadii uu wajahay Atletico iyo Chelsea.

Sikastaba, arrintaan ayaa waxaa lagu macneen karaa in Sergi Roberto uu xitaa halis badan uu ku jiro booskiisa koobka aduunka ee sanadkaan lagu qaban doono Ruushka, hadii aysan wax isbedal ah ku dhicin maamulka xulka qaranka Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com