KASHIFAAD: Ujeedka Uu Cristiano Ronaldo Ka Leeyahay Ku Biirista Juventus Oo La Shaaciyay

Ryan Giggs, ciyaaryahankii hore ee Manchester United, ahna haatan maamulaha xulka qaranka Wales, ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo ujeedka uu ugu biiray ay tahay inuu ka fogaado in Lionel Messi uu noqdo midka uga wanaagsan dhanka Mushaarka.

Sida iska cad, haatan Ronaldo wuxuu ka qaadan doonaa mushaar badan oo waali ah, laakiin markii uu joogay Real Madrid waxaa xitaa ka mushaar badnaa Neymar, iskaba daa Lionel Messi.

Messi wuxuu sanadkii ka qaataa Barcelona aduun lacageed dhan 30 Milyan oo Yuuroo, halka Neymar uu PSG uga qaato Gunno ahaan Milyan, halka Ronaldo uu Madrid ka qaadanayay 10 Milyan.

Lama shaacin mushaarka cusub oo ay uqortay Juventus kabtanka xulka Portugal, inkasta oo leysla dhex-marayo inuu gaarayo qiimo lacageed dhan 30 Milyan oo Yuuroo, taasoo sanadkii uu heli doono.

“Cristiano wuxuu ku mashquulansaa in uusan garaacin Messi,” ayuu Giggs ku sheegay wareysi uu siiyay ITV.

“Hadda muranka wuxuu ka taagan yahay wuxuu kusoo guuleystay England, Spain, iyo Portugal, marka wuxuu doonayaa inuu sidaas oo kale uu ku sameeyo Talyaaniga,” ayuu ku daray.

“Wuxuu muranka wuxuu noqon doonaa yaa labadooda ugu cad-cad inuu yahay kan wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, xidigii hore ee Manchester United, Ryan Giggs.