KASHIFAAD: Xidigaha Real Oo Isku Baheystay Qorshe Ka Dhan Ah Ronaldo Iyo Waxa Uu Yahay

Xili lagu wado in dhowaan la bixiyo abaalmarinta xidiga sanadka ee THE BEST loo yaqaano ayaa waxay ciyaartoyda Madrid ay bilaabeen Olale ka dhan ah Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka Juventus ayaa qayb ka ah saddexda ah saddexda xidig ee isugu soo hartay wareega ugu dambeeya ee biladaan uu labadii sano ee lasoo hantay CR7.

Luka Modric oo Real Madrid iyo xulka Croatia ah iyo Maxamed Saalax, kaasoo Liverpool lamberka 11aad iyo wadanka Masar ayaa ku guuleystaha xidiga sanadka ee FIFA kula loolami doona.

Sikastaba, wararka laga helayo wadanka Spain ayaa sheegaya in ciyaartoyda Los Blancos ay ka shaqaynayaa sidii Modric uu ugu garaaci lahaa Ronaldo iyo Saalax biladaan.

Modric oo Final-ka koobka aduunka 2018 gaarsiiyey wadankiisa ayaa wuxuu ka dulqaaday labadaan ciyaaryahan abaalmarinta laacibka sanadka ee Qaaradda Yurub.

Guud ahaan ciyaartoyda Real Madrid ayey sheegayaan warbaahinta dalka Spain inay la doonayaan Modric inuu ku guuleysto biladaha shaqsiga ah ee sanad ciyaareedkan la bixinayo.