Khabiirada Sky Sport Oo Soo Xushay Xidiga Ku Guuleysan Doono Midkii Ugu Fiican EPL Xagaagan

Sanad ciyaareedkan wuxuu yahay horyaalka Premier League, mid ay ugu cad-cadahay inay ku guuleysto Manchester City, maadaama ay hada ku hogaamineyso 16 dhibcood oo nadiif ah, iyadoona ka sareysa United oo labaad fadhisa

Inkastoo wax walba aysan soo gaba gaboon hadana waxay su’aal kale oo weyn ay ka taagan tahay ciyaaryahanka ku guuleysan doona midka ugu wanaagsan ee fasal ciyaareedkan, waxaana sharaxay ciyaaryahan kala duwan.

Laakiin, khabiirada Shabakada Sky Sport, ee dalka Ingiriiska ayaa waxay soo xusheen midka ugu gudoomi kara, waxaana ay yihiin Fallanqeeyayaashaan kuwa ku kala duwan naaday, laacibiinta qaadi karta.

Kevin De Buyne iyo Maxamed Saalax ayaa waxay noqdeen kuwa ugu badan oo ay is-ticmaalaan Khabiiradaan – De Buyne ayaa dhaliyay Todobo gool, isagoona caawiyay 14 kale, halka Saalax usaxiixay 24, uuna Sideed caawiyay.

Khabiir sare Phil Thompson iyo Charlie Nicholas, waxay qabaan in Kevin De Bruyne uu yahay midka uqalma inuu ku guuleysto bilaadaan, waayo ayay eeyihiin wuxuu soo bandhigay bandhig kooxdiisa ka dhigay mida ugu wanaagsan EPL

Laakiin, dhigooda lagu kala magacaabo Matt Le Tissier iyo Paul Marson, ayaa waxay aaminsan yihiin inuu Maxamed Saalax, yahay midka uqalma inuu ku guuleysto biladaan, waayo ayay leeyihiin gool dhalintiisa iyo caawintiisa ayaa fiican.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com