Khabiirada Sky Sports Oo Soo Xushay Shaxda Macquulka Ah Ee Ay England Ku Shartagi Karto Koobka Adduunka

Khabiirada Sky Sport ee tabiya barnaamijka Soccer Saturday ee kala ah Matt Le Tissier, Phil Thompson iyo Paul Merson ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ay xulka England ku soo shirtagi karaan Koobka Adduunka ka hor kulamada saaxiibtinimo ee ay cayaarayaan

Xiddigii hore ee Southampton Matt Le Tissier ayaa soo xushay shax cayaareedka 4-2-3-1 iyadoo goolhaye uu ka dhigtay goolhayaha Burnley Pope halka afarta daafac danbe ay kala yihiin Kyle Walker, John Stones, Tarkowski oo u dheela Burnley iyo Bertrand

Waxa uu booska burburiyaha khadka dhexe ku soo bilaabay Cook iyo Jack Wilshere halka seddexda kubadsameeye ee ka danbeeya gooldhaliyaha ay kala yihiin Raheem Sterling, Dele Alli iyo Rashford iyadoo Kane uu hogaaminayo weerarka

Paul Merson ayaa isna soo xushay shax cayaareed ka duwan taas oo ah 5-1-3-1 iyadoo Hart uu goolhaye ka dhigay halka Stones, Dier iyo Maguire ay yihiin seddexda daafac danbe iyadoo Walker iyo Rose ay gabraha ka dheelayaan

Henderson ayuu geeyay booska burburiyaha khadka dhexe iyadoo ay ka horeeyaan Sterling, Wilshere iyo Dele Alli, waxaana weerarka shaxdiisa hogaaminaya Harry Kane

Daaficii hore ee Liverpool Phil Thompsson ayaa isna soo xushay shax cayaareedka 4-2-3-1 iyadoo goolhaye uu ka dhigtay Picford halka booska daafaca dhexe uu geeyay Maguire iyo Stones iyadoo Walker iyo Rose uu garbaha daafaca kala saaray

Henderson iyo Dier ayuu booska burburiyaha khadka dhexe geeyay iyadoo ay ka horeeyaa Sterling, Alli, Rashford waxaana weerarka hogaaminaya Harry Kane

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com