Klopp Oo Ka Hadlay Xidiga Sanadkaan Ku Guuleysan Kara Bilada Ballon d’or Iyo Laacibka Ugu Cad-cad

Tababaraha naadiga Liverpool, ninka lagu magacaabo Jurgen Klopp ayaa wuxuu aaminsan yahay in sanadkaan ay ka adag tahay in la xusho xidiga hanan kara abaalmarintaan kuwii hore.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa loo galbiyay dhinacooda biladaan sanadihii lasoo dhaafay, inkasta oo su’aalo badan ay ku raran tahay hadii ay sanadkaan hanan karaan.

Maamulaha kooxda Premier League dheesha ayaa si cad u sheegay in xidigahaan ay kasooo muuqan karaan liiska saddexda ugu dambeysay.

“Balse, ma xaqiijin karo hadii ay ku guuleysan karaan,” ayuu yiri Klopp, kaasi oo wareysi siiyay majaladda SK kadib kulankii PSG ee Champions League.

Mar la waydiiyay hadii uu Neymar ku guuleysan karo ayuu ku jawaabay: “Waa xidig fiican, balse, sanadkaan way adag tahay inaan xulato ciyaaryahan,

“Xidigo badan ayaa jira….Mid udhashay Faransiiska ayaa xuli kara,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Tababaraha naadiga Liverpool, ninka lagu magacaabo Jurgen Klopp.