Klopp Oo Shaaciyey Qaabka Ay Ku Joojin Karaan Kane Iyo Qorshe Ay U Dageen Xidiga Tottenham

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qashinka ku daray wararka ku saabsan inay ka walwalsan yihiin halista Harry Kane kulanka ay Tottenham wajahayaan Axadda soo socota.

Labadaan kooxood ayaa waxay isaga hor-imaan doonan kulan ka tirsan Premier League, kaasoo ah ciyaartii afaraad ee fasal ciyaareedkan laga dheelo horyaalka dunida ugu xiisaha badan.

Isaga oo warbaahinta u waramay kahor kulankaan ayuu Klopp cod dheer ku sheegay in Kane uu yahay xidig ku tashta awoodiisa jireed, isaga oo afka ku balaariyey inay isku diyaariyeen halistiisa.

“Taasi waa qashin,” ayuu Klopp ku jawaabay markii la waydiiyay inay ka walwalsan yihiin Harry Kane kulanka Axadda.

“Waxaan ogeen kadib Koobka Aduunka, gaara ahaan markii uu England raacay illaa iyo haatan tartanka, ma uusan helin nasiino.

“Harry wuxuu dheelay kulankii ugu horeeyay, taasoo la macno ah inuu kaliya Labo todobaad fasax qaatay.

“Taasi ma ahan waxba. Isaga waxa uu ku shaqeeyaa Jirkiisa, wuxuuna adeegsadaan mar kasta jirkiisa.

“Dhamaanteena waa nasanay. Ma awoodi karo inuu kulankaan nasto, laakiin waxaan uu heli doonaa bandhigiisa, laga yaabee dhamaadka isbuucaan, wuxuuna mar sii hroeysay bixiyey arrinkaas.

“Kaliya waa heerkii ugu sareeya ee gooldhaliye, dadku waxay ku fekerayaa in aanan hubin Harry Kane hadii uu ahaanayo sida xagaagii hore.

“Dhamaanteena ma xaqiijin karo inuu noqon karo sida xagaagii hore, waa inaan si wadajir ah u wajahnaa xidigaha noocaan ah, kuwaasoo kooxda dhibaatayn kara.

“Taasi waxay ubaahan tahay waqti, laakiin waa inaad tijaabadisaa isbuucyo ama saddex maalinoo kamid ah.

“Waxaan ku wajahaynaa Tottenham shax ay iyaga haystaan, waxaase ay ubaahan yihiin inay bedalaan Dele Alli, Lloris, taasi waa sida ay tahay.

“Waxay haystaan ciyaartoy fiican, kuwaasoo loo heli karo xal kala duwan, waxayna yihiin kuwa xoogan, waxaana qirayaa in aysan ahayn waqtigii fiicnaa ee aan wajihi lahayn Tottenham,” ayuu kusoo xiray.