Koobka Aduunka 2026: 48 Xul, 80 Kulan, 30 Maalmood & Macluumaad Dheeri Ah Oo Aad Uga Baahan Tahay

Xulalka kala ah, Mareykanka, Kanada iyo Mexico ayaa waxay si wadajir u marti gelin doonaa Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka, kadib markii ay ku gaareen coddeyn maanta dhacay xulka Morocco.

Mareykanka waxay utahay markii labaad, xili markii ugu horeysay ay marti gelisay sanadkii 1994, halka qaranka Mexico ay utahay markii saddexaad xili ay marti geliyeen 1970 iyo 1986, Kanada wali horey uma marti gelin.

Koobka Aduunka ee sanadka 2026 wuxuu noqonayaa midkii ugu balaar-naa ee la qabto, maadaama lagu wado inay kasoo qeyb-galaan 48 dal, kuwaasoo isaga kala yimid caalamka oo dhan.

Tani waxay ka dhigan tahay in la dheeli doono 80 kulan, islamarkaana uu socon doono tartanka 30 maalmood, waana tiro ka badan kuwii hore loosoo qaban jiray koobka aduunka.

Tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha waxaa heli doona qaarada Yurub, maadaama ay yihiin dalal badan iyo aad ugu horeeyaan marka laga hadlo kubada cagta, iyo arrimo kale.

Koobka Aduunka 2018, oo maalinta Berrito ah ka furmi doona Ruushka, ayaa midka xiga wuxuu ka dhici doonaa dalka Qadar, kaasoo hadda wada dadaalo uu isugu diyaarinayo.

“Marti gelinta Koobka Aduunka 2026 waa mid naadi ah, oo waqti muhiim ah timid, si aan ugu banaan baxno midnimada Isboortiga,” waxaa sidaas yiri, Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Mareykanka, Carlos Cordeiro.

Saddexda dal ee marti gelinaya Koobka Aduunka 2026-ka waa kuwa hadda siyaasad ahaan khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo, balse lama oga hadii ay wax isbedali doonaa marka ay soo dhawaato marti gelinta.