Kooxaha Juventus iyo Roma oo ganaaxyo min hal kulan ah garka loo galiyay.

Naadiyaasha Juventus iyo Roma ayaa weyn doona min hal kulan labada cayaartoy ee Edin Dzeko iyo Alex Sandro kuwaas oo ay u aruureen dhawr jalle, waxeyna kaararkii ugu dambeeyay gudoomeen kulamadii Napoli iyo Lazio.

Sidoo kale Juventus waxaa ganaax kale mari doona Stephan Lichtsteiner kaas oo isna seegi doona kulanka xiga ee Udinese, halka Roma ay soo dhaweyn doonto kooxda Torino.

Dhanka kale daafaca Bologna Giancarlo Gonzalez iyo sidoo kale dhigiisa SPAL  daafaceeda Federico Mattiello ayaa seegi doona kulanka xiga

Image result for Edin Dzeko iyo Alex Sandro

Related image

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com