Kooxaha ka qayb galaya tartanka Star League oo ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay

 Lixda  kooxood ee ka qayb qaadanaya tartanka Star League ayaa ku jira diyaar garoow xoogan, mahadaama koobka uu dhawaan furmi doono.

Horaya ayaa loo soo saaray isku aadka tartan, waxaana ka soo baxay kullamo adag.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in koobkaan lagu bixin doono lacag dhan shan kun oo doolar, iyadoo la siin doono kooxdii ku guulaysataa.

Kooxaha ka qayb qaadan doona ayaa kala ah Dekedda,Banaadir,Heegan,Horseed,Elman iyo Jeenyo.

Dhamaan kooxaha ayaa wada tababar xoogan oo ay isugu diyaaranayaa kulamada is araga ee tartankaan.

Sikastaba koobkaan ayaa furmi doono 20 –Waxaana cayaarta ugu horaysa wada cayaari doona Horseed iyo Elman.