Kooxaha kubbadda cagta Elman,Dekedda Iyo Banaadir SC Oo Hantay Abaal Marinta Horyaalka

Coach of the Month-(Macalinka Bisha)
Kooxaha kubbadda cagta Elman,Dekedda iyo Banaadir SC ayaa ku guleystay abaal marinada horyaalka Somali Premier League bishii dhamaatay Febraayo 2018

Macalinka hogaamiyo kooxda kubbadda cagta Dekedda Yuusuf Cali Nuu (Yuu-Cali) ayaa hantay abaal marinta macalinkii ugu Wanaagsanaa bishii Febraayo ka dib markii ay kooxdiisa garaacday kooxaha ay sida weyn u xifaaltamaan

Yuu-Cali ayaa kooxdiisa Dekedda Bishii Febraayo ka adkaatay kooxaha L.L.P Jeenyo,Banaadir SC iyo Heegan waxaase taas sii dheer in kooxda Dekedda aysan la kulmin wax guul dar ah 8-kulan ugu horeesay horyaalka Somali Premier League,iyagoo hada ku jira kaalinta 1-aad ee kala sareynta waxayna lee dahay 18-dhibcood

Yuusuf Cali Nuur ayaa abaal marinta tababaraha bisha kaga guleystay macalimiinta kala ah Cumar Caruus oo hogaamiyo Horseed Robert Maynja oo laliya Heegan iyo macalinka reer Uganda ee isna hogaamiyo naadiga Banaadir SC

Sanadkii hore 2017 saddexdii bilood ugu dambeesay waxaa abaal marinta ugu wanaagsan macalinka ugu fiicnaa horyaalka ku guulaysanayay tababaraha naadiga Dekedda waxaase qiimaanta iyo soo bandhigtaas lahaa warsidaha Qalinle Sports

Gal of the Month (Goolka Bisha)

Weeraryahan kooxda Banaadir SC Xasan Maxamed (Xasan Santos) ayaa hantay goolkii ugu quruxda badanaa ee horyaalka Somali premier League laga dhaliyay bishii February,isagoo gool xirfadysan ka dhaliyay naadiga Elman kulan ciyaareed natiijo ahaan ku dhamaaday 6-2 oo ay guusha ku qaateyn wiilasha Banaadir SC wxuuse goolkaas dhaliyay 14-Febraayo 2018

Laacibkii hore Dekedda Xasan Santos ayaa abaal marinta ku garaacay xidigaha kala ah Franka Wananda oo u dhashay dalka Cameron kana tirsan Horseedd,isgaoo gool cajiib ugu shubay L.L.P Jenyo iyo Qadar Cabaas Sidii oo isna ka mid naadiga Batroolka xidigan ayaa isna goolka aan inba caadi aheyn ka dhaliyay naadiga Elman kulan ciyaareed ku idlaaday 4-1

Player of the Month (Laacibka Bisha)
Laacibka naadiga Elman Anwar Sayid Cali (Shakuunda) ahna hogaamiyo gool dhalinta horyaalka Somali Premier League olalahaan ayaa isna qaatay abaal marinta laacibkii ugu Wanaagsanaa horyaalka bishii hore Febraayo xidigan ayaa wacdaro lasoo baxay wajiga kowaad horyaalka todobaadkii kulan ugu horeesay u dhaliyay,isagoo hada hogaamiyaha gool dhalinta horyaalka waxuuse abaall marinta kaga guleystay dhowr xidiga

F.G-Qalinle Sports labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay waxa uu soo bandhigay abaal marida ceynka oo kale,hadaba aragti ahaan saddex shaqsi ma u qalmeyn Abaal marinta shaqsiyaadkii ugu wanagsanaa horyaalka Somali Premier Fasal ciyeeda 2017-2018

W\Q:Maxamed Xuseen Qalinle

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com