Kooxaha waaweyn ee qaarada yurub oo ugu hambalyeeyay Muslimiinta sanadka cusub Hijriga-1440

Kooxo fara badan ee qaarada yurub ayaa si dhaqso ah ugu hambalyeeyay Muslimiinta dhalashada sanadka cusub Hijriga ah ee 1440, oo maanta Talaado ah 1 ay tahay

Image result for ‫السنة الهجرية الجديدة‬‎

Kooxaha ugu horeeya ee Muslimiinta ugu hambalyeeyay sanadka cusub ee Hijriga ayaa waxaa ka mid ah Arsenal, Chelsea, Liverpool oo England ah, Bayern Munich, oo Germany ah iyo Roma.

Talaabadan ay qaadeen kooxaha ugu waaweyn ee qaarada yurub ayaa waxay imaaneysaa si ay xiriir ula sameeyaan jamaahiirta kubada cagta muslimiinta ah ee ku sugan caalamka

Tani ma ahan markii ugu horeesay ee talaabo noocan oo kale ah ay dhacdo, waxaana loogu arkay horey munaasabadooyin kala duwan sida bisha barakeysan ee Ramadaan, Eid al Fitr iyo sidoo kale Eid al Adha