Kooxda AC Milan oo guul ku martay Garoonkeeda San Siro Kooxda SPAL

Laacib Sports : Kooxda Roseneri ayaa ka taqalustay kooxda SPAL ciyaar kusoo idlaatay oo ka dhacday garoonka San Siro ee garoonka AC-Milan.

Kulankii xalay AC Milan Bilawgii ciyaarta ayaa Milan loogaga naxsaday goolka koowaad, waxaana SPAL ay gool ka heshay A. Petagna daqiiqaddii 13-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Inyar kadib AC Milan ayaa goolka bareejada soo celisay ka dib markii Samu Catillejo uu dhaliyay daqiiqaddii 16-aad isla qeybtii hore oo barbar dhac ku heshiiyeen.

Qeybtii dambe Markii dib la isugu soo laabtay ayay kooxda Macallin Gattuso hooggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana goolkaas dhaliyay Gonzalo Higuain daqiiqaddii 54-aad ee ciyaarta qeybtii dambe.

Sidoo kale Daqiiqaddii 89-aad ee ciyaarta waxaa kulanka cassaan loogaga saaray Suso, ka dib markii uu laba jaalle qaatay kulankii xalay.

Milan vs Spal 2-1