Kooxda Barcelona Oo Ay Kaliya 4 Kulan Ka Xigaan In Ay Jabiso Rikoor 38 Sano Loo Dhawaan Waayay Horyaalka La Liga

Kooxda Barcelona ayay 4 kulan oo kaliya u jirta in ay jabiso rikoor horyaalka La Liga yaalay muddo 38 sano ah kaas oo ay dhigtay kooxda Real Sociedad

Barcelona ayaa sabtidii gaadhay kulankii 35-aad oo ay bilaa guul daro tahay kadib markii ay guul 3-0 ah ka gaartay kooxda Malaga kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga

4 Guulood oo ay gaarto ayaa ka xigta in ay bar-barayso kooxda Real Sociedad oo horyaalka La Liga ka dhigtay rikoor 38 kulan oo guularo l,aan ah xilli cayaareedkii 1979-1980

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona 35 kulan oo xiriir ah guuldaro ahayd horyaalka La Liga xilli cayaareedkan

Kaliya 3 kulan ayaa ka xiga Barcelona in ay bar-barayso rikoorkaas halka 4 kulan ka xigto in ay dhito rikoor cusub oo ah 39 kulan oo guuldaro la,aan ah horyaalka

Kooxaha Atletico Bilbao,Sevilla iyo Leganes ayaa ka xiga in ay kooxda Barcelona bar-barayso rikoorkaas la gaari waayay muddada 38 sano ah

Hadii ay Barcelona guuldaro iska ilaaliso saddexda kulan ee Atletico Bilbao,Sevilla iyo Leganes waxa ay kulanka Valencia dhigi kartaa rikoor cusub oo 39 kulan oo guuldaro la,aan ah horyaalka La Liga

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com