Kooxda Barcelona Oo Rigaarayaal Tartanka Maxaliga Ah Ee Catalan Super Cup Uga Qaaday Espanyol

Barcelona ayaa waxay rigoorayaal ay uga qaadeen dhigooda Espanyol, tartanka maxaliga ah ee Catalan Super Cup-ka, kaasoo laga dheelo gudaha maamul goboleedka Catalonia, balse hoos yimaada dowlada Spain ama wadanka Spain.

Ciyaartii udhaxeysay labadaan kooxood, taasoo ka dhacday garoonka lagu magacaabbo Camp e’Esport, halkaasoo ay usoo daawasho tageen dad badan, ayaa waxay ku kala baxeen guud ahaan labada kooxood 90-ka daqiiqo iyo wixii lagu daray 0-0.

Inkastoo, muuqaal ciyaareed fiican ay soo bandhigeen labada ciyaartoy, hadana Barca ma aysan soo gelin ciyaarta wax ciyaaryahano waa weyn, waxaana udheelayay laacibiinta Junyarka ama kooxda Barcelona B.

Markaas kadib, sida caadada ahayd, waxay aadeen labada dhinac Rigooro tuurasho, waxaana ku horeysay Bluagrana.

Sikastaba, Barca, ayaa waxay dhaliyeen wiilashii Gool ku laadka u gamay afartii ay tuurteen, halka kooxda Espanyol ay khasaariyeen labo kamid ah labadana waa ay dhaliyeen.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in kooxda kubada cagta Barcelona ay sidaas ugu guuleystay koobka, waxayna noqotay kooxda ku guuleystay sanadkaan 2018, koobka xiisaha leh ee Catalan Super Cup, kaasoo laga dheelo Gobolka Catalonia.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com