Kooxda Barcelona YaY U Argtaa Badalka Saxda Ah Ee Gerard Piqué

Kooxda Barcelona ayaa u dhaqaaqday xiddig ay u aragto badalka mustaqbalka dhaw ee daafaca cadaadisku saaran yahay ee qaab ciyaareedka xun ku jira ee Gerard Pique

Image result for gerard pique

Barcelona ayaa go,aansatay in ay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo u aragto badalka mustaqbalka dhaw iyo waliba mid ay daafaca ku nasin karto sanadaha yar ee uu cayaarayo

Image result for Matthijs de Ligt

Agaasimayaasha kooxda ayaa la socday xiddiga Muddo dheer iyaga oo xitaa u safray Amsterdam dhawr mar si ay u soo daawadaan qaab csyaareedkiisa

Image result for Matthijs de Ligt

Blaugrana ayaa suuqa ka raadinaysay daafacyo dhexda ah oo lugta midig ku cayaara xilli xiddigaha Samuel Umtiti, Thomas Vermaelen & Clement Lenglet ay bidix wada yihiin

U Dhaqaaqista xiddig ayaa muhiim u ah kooxda iyada oo wakhtiyada qaar lagu nasin karo Pique sidoo kale tartan ku abuuri kara booska daafaca dhexe

De Ligt ayaa kula jira kooxda Ajax heshiis waxana laga yaabaa in heshiiska ay labada kooxood wada gaari karaan dhici karo xagaaga dambe

Related image

Taas ayaa keeni karta in uu Vermaelen isaga tago kooxda marka uu dhamaadka June marka uu dhoco heshiiskiisa xilli ayna kooxda Barcelona diyaar u ahayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga