Kooxda Dekedda Oo Sii Dheeraysatay Hogaanka Horyaalka Soomaalia Premier League

Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Jeenyo ayaa wada dheelay kulamadoodii 11aad horyaalka Soomalia Premier League xilli ciyaareedka 2018-2019

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan waxayna Ciyaartooyda kusoo dhamaatay 4-1 ay guusha ku qaateen xidigaha xafidanaya horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda Football Club.

Kooxda Dekedda waxa ay goolasha ka heshay xidigaha kala ah Towfiq Zakariye oo labo gool Saabir Axmed Saciid Iyo Feysal Xaashi,halka Jeenyo ayaa goolka calanka ay ugu Mahad celinayso laacib Maxamed Shiine.

Llpp Jeenyo waa guul daradii 10aad ee kasoo gaarto horyaalka Somalia Premier League kaliya hal kulan ayay badisay waxayna Wareega 1aad 1-0 kaga adkaatay naadiga dowladda hoose ee Mogadishu City Club.

Waan ku faraxsanahay guushan waxaan ku sii dhawaynaynaa in aan Sanadkii Saddexaad oo xariir ah aan ku guulaysano horyaalka dalka,rajado kooxda waa 100% waxaana xoga saaraynaa Kulamada inagu soo wajahan”waxaa sidaas sheegay tababaraha kooxda Dekedda Yusuf Ali Nuur Yuuali.

Kooxda Dekedda ayaa kali ku ah hogaanka horyaalka,iyagoo leh 26-dhibcood 11 kulan ay ciyaareen.

W/Q: Maxamed Xuseen Qalinle