Kooxda Heegan ayaa Guul Ka Gaartay Jeenyo

Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa shalay galabti guul ka gaartay Naadiga Jeenyo kadib markii ay 2 -0 ugu adkaatay.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan wuxuuna qeyb ka ahaa Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore ciyaarta aya lagu kala maray 0 iyo 0, walow ay dhoor fursadood iska qasaariyen labada dhinac.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaata Xiddigaha Heegan ayaa dar dar xoogan garoonka la soo galeyn iyago rabay in ay shabaqada jeenyo soo taabtan, balse wey dhacday waxaa gool u dhaliyay ciyaaryahan cabdimajiid banteki, kulanka ayuu ka dhigay 1- 0.

Kooxda Heegan ayaa la timid goolkii 2 aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay xiddiga lagu magacabo cabdirisaaq, ciyaarta ayuu ka dhigay 2 iyo 0 ay ku hogaamineyso heegan.

Ugu dambeyn Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 0 ay guusha ku raacday kooxda Heegan.

W/Q:Cabdifitaax Nani