kooxda Horseed oo dib ula qabatay hogaanka Dekada

Horseed ayaa hogaanka  horyaalka Somalia Premier League dib ula qabatay Dekadaha kaddib markii ay galabta 3-0 uga adkaatay kooxda Woxool.

qaybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay 2-0. waxaa goolasha u kala dhaliyeen xiddigaha kala ah

Nuune Haashimi ayaa hogaanka u dhiibay Horseed ka hor inta uusan goolka labaad u dhalin xiddigooda Xasaasi.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Horseed ayaa waxaa goolka saddexaad u saxiixay weeraryahanka Cadaani Barre Ciise.

Guusha ayaa Horseed uga dhigan inay iminka hogaanka 18-dhibcood kula heyso kooxda Dekadda oo xafidaneysa Horyaalka Somalia Premier League

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com