Kooxda Inter Milan oo ganaax la yaab leh Aqbashay

Laacib Sports : Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa aqbashay in labada kulan ee soo socota ay garoonkeeda ku ciyaarto taageeryaal la’aan Ganaaxaan ayaa u noqon doona taageerayaasha kooxaha kale ee cunsiriyada caadeystay mid ay ku tusaale Qaataan in sidaan lagu sameeyo.

Dhanka kale ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Napoli Kalidou Koulibaly isagana labo kulan Serie A ah ayaa la ganaaxay, hal kulan ganaax wuxuu ku muteestay 5-jaale ama digniin u aruureen halka kulan kalena lagu ganaaxay inuu si jees jees ku dhaahan garsoore Paolo Mazzoleni ugu sacbiyay markii casaanka lagu abaalmarinayay.

Warbixin lagu soo bandhigay Barta ay ku leedahay internet-ka ayaa lagu yiri “Laga soo bilaabo 1908 Kooxda Inter Milan maalintii la aas aasay ilaa haatan kubada si sharaf iyo karaamo ku dheehan ayay u cayaartaa”.

Ugu dambeyntii Ganaaxyada Seria A-da Italy ayaa waxaa ciyaaryahan Lorenzo Insigne labo kulan lagu ganaaxay iyo €10,000 inuu bixiyo madaama uu garsoorka aflagaado u geestay asigoo kabtan u ah Kooxda Napoli.

Ganaax-Inter-Milan