Kooxda Inter Milan oo guul ka soo gaartay Naadiga SPAL

Kooxda Inter Milan ayaa guul ka soo gaartay naadiga SPAL oo ay booqtay kulan ka tirsan horyaalka Serie A, xilli uu labo jeer shabaqa soo taabtay Mauro Icardi Inter Milan ayaa 2-1 uga soo badisay SPAL oo ay booqasho u tagtay waxaana labada goolba u dhaliyey Inter Weeraryahankeeda Mauro Icardi.Icardi ayaa goolka hore u daah furay Inter Milan daqiiqaddii 14’aad Mauro Icardi, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminaysay cayaarta Inter Milan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta kooxda martida loo ahaa ee SPAL ayaa la timid goolka barbar dhaca waxaana u dhaliyey 72’daqiiqo Alberto Paloschi sidaas ayuu kulanku ku noqdayisku mid ah 1-1.

Inter Milan ayaa dhammaadkii cayaarta la timid goolka guusha waxaana markale u dhaliyey 78’daqiiqo Mauro Icardi kooxda ku dheesha garoonka San Siro ayaana ku adkaatay 2-1.

Image result for Inter Milan

Image result for Inter Milan

Related image