kooxda Juventus ayaa guu ka gaartay Napoli kulan ka tirsan Horyaalka Serai A

kooxda Juventus ayaa guul dirqi ah ka gaartay Napoli ciyaar ku dhamaatay 2-1 oo ka tirsaneed horyaalka Serai A

Juventus ayaaba ku bilaabatay dar dar xoogan qeebtii koowaad ee ciyaartaba waxa ayna la yimaadeen labo gool qeebtii hore ee ciyaarta .

Daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta waxaa calaamada casaanka qaatay goolhayaha kooxda Napoi ee Alex Meret kaddib markii uu qalad ku galay Ronaldo .

Daqiiqada yar un kaddib xidiga muslimka ah ee khadka dhexe ka ciyaara ee Pjanic ayaa ciyaarta ka dhigay gool iyo waxba waxaana sii raacsaday goolka labaad ee kooxda Juventus isla xidig kale oo muslim ah waana Emry Can oo shabaqa gaaray daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.

Qeybtii koowaad ee kulanka ayaa ku idlaaday Juventus oo labo gool kaga hor kaceysa dhigeeda kooxda Napoli oo ku ciyaareysa garoonkeeda .

Waqti kooban oo nasiino ay soo qaateen ciyaartoyda labada dhinac waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta xili Juventus aysan qabin wal wal badan .

Pjanic oo goolka kowaad ee ciyaarta dhaliyey ayaa qaatay caalaamada casaanka daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta waxaana durba yimid gool ay dhaliyeen kooxda Napoli .

Xiddiga reer Spain ee Callejon ayaa gool u soo celiyey kooxdiisa waxaana caawinta goolkaas lahaa fircoonka xulka Italy ee Insigne.

Napoli ayaa ku dhawaatay in ay bareejeeso ciyaarta balse waxaa gool rigoore ahaa ka qasaariyey xidigooda Insigne daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta , guud ahaan ciyaarta ayaa ku idlaatay 2-1

Image result for napoli vs juventus 2019

Image result for napoli vs juventus 2019

Image result for napoli vs juventus 2019

Image result for napoli vs juventus 2019

Image result for napoli vs juventus 2019