Kooxda Juventus ayaa guul ka gaartay kooxda ay sida badan ay xifaaltaman

Kooxda kubada cagta ee AC Milan ayaa kulankan si adag u dagaalantay balse 11-daqiiqo ugu dambeesay ayaa lagu soo afjaray  kooxda macalin Gattuso.

Paulo Dybala ayaa daqiiqadii 8-aad Juventus hogaanka u dhiibay wuxuuna gool u badalay kubad uu caawinaad ka geestay xiddiga Pjanic.

Balse Leonardo Bonucci ayaa kooxdiisii hore ka naxsaday ayadoo magaalada Turin la joogo kadib markii cayaarta 1-1 uu ka dhigay daqiiqadii 28-aad.

AC Milan adkeysi iyo dadaal dheeraad ah ayay la timid kulankaan balse qaybihii dambe ayaa laga badiyay

Laacibka Juan Cuadrado oo badal kusoo galay kulankan ayaa dadaalkii kooxda Milan meel cidlo ah kasoo qaaday kadib markii cayaarta uu 2-1 ka dhigay daqiiqadii 79-aad

Xiddiga qadka dhaxe ee Sami Khedira ayaa kulankan soo idleeyay natiijo ahaan markii 3-1 u ka dhigay kulankan daqiiqadii 87-aad sidoo kalena taageerayaasha Juventus aad ugu farxeen guusha weyn ay Milan ka heleen.

Kooxda Juventus guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay haatan hogaanka horyaalka Talyaaniga ku hayaan 4-dhibcood madaama Napoli 1-1 la gashay naadiga Sassoulo waxaana horyaalka ka harsan 8-kulan.

Related image

Image result for Juan Cuadrado goal milan

Image result for Juan Cuadrado goal milan

Image result for Juan Cuadrado goal milan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com