Kooxda Juventus ayaa guul sahlan ka gaartay Udinese

 kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa guul sahlan ka gaartay kooxda Udinese kulan ka tirsan horyaalka Italy ee Serai A waxa uuna kulanka ku soo dhamaaday 4-1 oo ay ku adkaatay kooxda Juventus.

Qeebtii koowaad kulanka kooxda Juventus ayaa ku soo gashay dar dar xoogan waxa ayna la yimaadeen labo gool xili  Xiddiga  Ronaldo uu ku soo bilowday kursiga keydka .

Xidiga da’yar Kane oo ku soo bilowday kulanka  ayaa Juvantus u dhaliyey labada gool qeebtii koowaad ee ciyaarta , waxa uu sameeyey dhoolo tus ay aad ugu riyaaqeen  jamaahiirta kooxda  juventus .

 Qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Juventus oo ku ciyaareysay garoonkeeda.

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , kooxda Juventus ayaa mar kale la soo gashay garoonka dar dar xoogan .

Juventus ayaa heshay goolkii sedexaad ee ciyaarta waxana u dhaliyey xidiga dalka Germany ee Emri Can daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta , daqiiqado yar un kaddib kooxda Juventus ayaa markale heshay gool afaraad waxaana u dhaliyey xidiga dalka  Farnce ee Matuidi.

Kooxda martida aheyd ee Udinese ayaa heshay gool daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Lasagna waxaana goolkaas ka caawiyey De Paul.

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 oo guushu ku raacday kooxda Juventus .

Image result for juventus vs udinese

Image result for juventus vs udinese

Image result for juventus vs udinese

Related image

Related image

Image result for juventus vs udinese goal kean

 

Image result for juventus vs udinese goal kean