Kooxda juventus oo guul ka gaartay naadiga Bologna

Juventus ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay garoonka Allianz Stadium kooxda Bologna, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulankooda 8-aad horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga .

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood ku kala mareen barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 19-aad Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa Juventus wuxuuna ka dhigay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 26-aad ee dheesha xiddiga kooxda Bologna ee Danilo ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ibrahima Mbaye.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo halis ah ee goolal loo filan karay, inkastoo Juve aheyd kooxda fursadaha ugu badan sameysay.

Daqiiqadii 54-aad Miralem Pjanic ayaa markale hogaanka u dhiibay Juventus wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay Juventus kaga adkaatay kooxda Bologna oo marti ku aheyd garoonka Allianz ee magaalada Turin.

Image result for juventus vs Bologna

Image result for juventus vs Bologna

Image result for juventus vs Bologna