Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa ku dhawaaqaday kabtankeeda cusub kadib bixintaakii Catoosh

Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa ku dhawaaqaday kabtankeeda rasmiga ee hogaamin doona  xilli cayaareedka cusub  kadib bixintaakii Cabdicasiis Catoosh.

Heegan ayaa si rasmi ah ugu dhiibtay calaamada xushmada ee kabtanimo cayaaryahanka qadka dhexe ee Cumar Qaxtaani, kaa oo kamid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda  Heegan

Xidigan ayaa ku sugan kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan mudo afar sano isagona kula soo guuleystay kooxdan horyaalka Somali Premier League sanad cayaareedkii 2014-15 sido kale wuxuu la hantay koobab munaasabado.

Cumar Xaaji Baanow (Qaxtaani) ayaa ku soo ifbaxay tartanka degmooyinka sanadkii 2014-kii markaas oo u cayaarayay xulka degmada Xamar Weyne, waxaana xusid mudan inuu kula guuleystay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Kadib Tartanka degmooyinka waxaa heshiis la gashay kooxda haatan uu ku sugan yahay ee Heegan, isago ahaa sanadkii la soo dhaafay kabtanka 2-aad kooxdan.

W/Q:Cabdifitaax Nani