Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa Sakay u Safartay dalka Rwanda

Kooxda kubadda cagta Heegan fc ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee aadan cadde international airport iyagoo ku sii jeeda dalka Rwanda si ay kaga qeyb galan tartanka Cecafa kagame cup 2019.

Wiilasha Heegan maalmihii ugu dambeyay waxey diyaar garow xoogan ku qaadanayen garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Heegan waa sanadkii labaad oo ay ka qeyb galayan tartanka Cecafa kagame cup 2019n iyago horey ugu qeyb galeyn sanadkii 2014-15- balse sanadkan waxaa ka muuqda diyaar garwo xoogan oo laga filan karo waxqabad muuqda kooxdan.

Safarka Heegan waxaa horkacaya xubno ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah maamulka kooxda Heegan.

Sido kale Heegan safarkan waxaa ku wehlinaya xidigaha kala ah Cabdiwali Cabdiraxmaan oo ka tirsan kooxda Dekedda, Abdinur oo qey ka ah Madbacada Qaranka iyo goolhaye Saaciid Yamani oo Muqdisho City Club ka tirsan dhamaan xidigahan waxey matali doonan kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Kulankan ugu horeyay ee tartanka Cecafa Kagame Cup kooxda Heegan waxey dheeli doonta maalinta Sabtida ay taariikhda ku began tahay 9-4-19, iyago la dheeli doonta Proline Football Club oo ka dhisan dalka Uganda.

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: one or more people, hat, child, outdoor and closeup

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 3 people

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standing and hat

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, standing and hat

Image may contain: 2 people, people standing

W/Q:Cabdifitaax Nani