Kooxda Mogdisho City Club Oo Afka Ciida U Dartay Dekedaha

Kooxaha Dekedaha iyo Mogdisho City Club ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa waxey soo bandhigeyn kubadd aad u qurux badan balse qeybtii koowad ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineyso kooxda M.C.C waxaana u kala dhaliyay feysal Xasan Xaashi iyo Alex, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta wiilasha M.C.C galabta waxey u aheyd malin boqran maadama laga dheehanayay firfircooni ku aadan kubad heesiga iyo isla jaanqadka ciyaarta, ciyaaryahan feysal Xasan Xaashi ayaa goolkii 3-aad ka dhaliyay kooxiise hore Dekedaha, kulanka ayuu ka dhigay 3-0.

Bandhiga goolasha kooxda Mogdisho C.C waxaa goolka afaraad u dhaliyay Banteke halka goolka shanaad uu raacsaday Qeys, kulankan ayaa natiijo ahaan noqday 5-0 ay ku horkaceyso M.C.C.

Kooxda Dekedaha waxey awoodi weysay iney xitaa hesho goolka calanka, waxaa galabta lagu xasuuqay Eng Yariisow Stadium

Ugu dambeyn naadiga Mogdisho City Club waxey galabta ka baxeyn abaartii guul la’aanta ka heesatay kooxda Dekedaha,ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-0 ay guusha ku raacday Mogdisho City Club.

Image may contain: 2 people, people standing, child, shoes and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, shoes, child and outdoor

 

Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor

Image may contain: 1 person, child and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

W/Q:Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com