Kooxda Napoli ayaa guul ka gaartay Juventus oo marti ugu aheyd garoonka Stadio San Paolo

Kooxda Napoli ayaa guul ayaa ka gaartay kooxda Juventus oo marti ugu aheyd garoonka Stadio San Paolo, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21 ee horaalka Serie A ee dalka Talyaaniga  Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad kooxda Napoli ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Piotr Zielinski.

Daqiiqadii 86 daqiiqo Napoli ayaa dhalisay gool labaad waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Lorenzo Insigne.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Juventus ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay kooxda Napoli hoggaamiyaasha horyaalka Serie A ee Juventus.

Image result for napoli vs juventus

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com