Kooxda Raadsan oo la saxiixatay Weeraryahankii Naadiga Heegan ee Cabdimajiid Benteke

Kooxda Kubadda cagta Raadsan ayaa la soo saxiixatay weeraryahankii hore ee Naadiga Heegan Cabdimajiid Nuur Cali Yoonis (Benteke).

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee ka dheela weerarka horyaalka Somali Premier League, isagoo waqti qurux badan ku soo qaatay kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Kooxo badan oo ka dheela horyaalka ayaa aad u baadi goobayay adeegga xiddigan waxaana ka mid ah Elman iyo Horseed kuwaas oo rabay inay gacanta ku dhigan xiddigan ku wanaagsan dhalinta goolasha.

Cabdimajiid Nuur Benteke ayaa kooxda Heegan ugu soo biiray naadiga Madbacadda Qaranka sanadkii 2017-kii muddo saddex sano ayuu ku sugna kooxdan.

Benteke Kooxda Heegan wajigii hore horyaalka wuxuu ka soo muuqday safka hore saddex kulan isagoo kooxdiisii hore ee Heegan u dhaliyay saddex gool, taas oo ka dhigan in kooxda Raadsan ay heshay mid kamid ah xiddigaha ugu halista badan dhanka weerarka.

Laacibka ayaa dhowr kooxood hore ugu soo dheelay, waxaana ka mid ahayd Elman, Madbacadda iyo kooxda uu iminka ka soo hayaamay ee Heegan.

Heshiis xiddigan uu la galay kooxda Raadsan ayaa ah mid ku eg dhammaadka xilli ciyaareedkan 2019-20, balse heshiiska waxaa ku jira ballan qaad ah haddii uu bandhigga cajiib ah soo bandhigo ay ku qancan maamulka sare kooxda in lagu abaal-marinayo heshiis waqti dheer ah.

Kooxda Raadsan ayaa si ku meel gaar ah ugu dhiibtay lambarka 19-aad kooxdeeda, maadaama uu xiddigan rabay lambarka 10-aad ee kooxda, waxaana ku dheelaya ciyaaryahan Jabriil Xasan Fariid.

Si kastaba ha ahaatee, Benteke ayaa macquul ah inuu ka soo muuqdo kulanka ay kooxdiisa Raadsan la dheeli doonto naadiga Gaadiidka ciyaar dhici doonta 03 bishan Maarso 2020 oo ay ku beegan berri.

W/Q:Cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com