Kubbaddiisa iyadoo aysan Suullin ayuu naga tagay Xiddigii dhexe ee ugu fiicnaa mudaddii burburka

Yuusuf Cali Nuur oo aad u taqaanaan (Yuu-Cali), waa midka la rummeysan yahay inuu yahay khadkii dhexe ee ugu fiicnaa mudaddii burburka.

Waqtiga ugu wanaagsan xirfaddiisa aan weli guurin waxa uu ku soo qaatay Elman FC iyo xulka qaranka Soomaaliya, taageeroyaal badan ayaan weli iloobin kubbaddii gaagaabneyd iyo dusintii la jeclaa.

Shaqo adag ayaa loo arkaa marka ay quudin joogto ah kaa rabbaan Ciise Midnimo iyo Maxamed Sharkeey, kuwaas oo ahaa xilli gooldhalliyayaashii ugu fiicnaa kubbadda cagta Soomaaliya.

Yuu Cali, waxa uu caan ku ahaa xerashadda lambarka 11-aad, marar dhif ah ayuu qaadan jiray maaliyadda qaranka oo uu ku xar-dhan yahay lambarka 7-aad.

Hibbada uu lahaa Yuusuf, qaadashadda laadadka xorta ah, gees-laadyadda, ku gooynta labbadda lug iyo xamaasaddii uu ku dhex-muujin-jiray garoonka dhexdiisa.

Waxa uu ku jiraa qaarka ciyaarahoodda dib loo daawan lahaa ama laga baran lahaa hab-dhallin qurrux badan iyo farsamo cajiib balse adeegsigga Tiknoloojiyadda ma caawin.

Seddex horyaalka Soomaaliya ayuu hantiyay isagoo ciyaaryahan ah, isagoo oo tababare ah wax ka badan seddex horyaal ayuu qaaday, iminka waa leyliyaha Dekadda, xilli cayaaraha dunida oo dhan ay u xanibban yihiin #COVID-19.

Da’yarta oo eeggin isagoo oo tartamo waa weyn ciyaarayo hadda waxa ay fursad u helaan isaga oo saaxiibaddiisa kula ciyaarayo garoomadda Futsal-ka.

Waana sababta loo rummeysan yahay inuu sii ciyaari karay, inkastoo uu ka tagay qeybta ciyaarista kuna biiray dhanka tababarka oo uu wacdarihiisa ka sii wato.

W/Q:Mohamed Shurie Nur

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com