Kulamada La Ciyaarayo Caawa Champions League, Kooxaha Waa Weyn ee Dheelaya & Saacadaha

 kooxaha waa weyn ayaa caawa ciyaaraya kulanka labaad ee wareega group-yada Champions League, iyadoo kooxda Real Madrid ay garoonka Santiago Bernabeu ku soo dhaweyn doonto kooxda dalka  Belgium ee Club Brugge.

Isla Group A kooxda PSG waxa ay u safreysaa koxoda Turkiga ee Galasaray kuwaasoo barbaro goolal la’aan ah la soo galay Club Brugge kulankoodii 1aad ee xilli ciyaareedka.

PSG ayaa dooneysa inay halkeeda ka sii wado guusha ka dib guushii weyneyd ee ay ka gaartay Real Madrid, waxaana u soo laabtay Kylian Mbappe halka Neymar uu kulankiisii ugu danbeysay ee Champions League uu ganaax ku maqnaanayo.

Waqtiga la ciyaarayo Kulamada Group A: 

Real Madrid vs Club Brugge – 7:55pm Saacada Geeska Afrika

Galatasaray vs Paris Saint-Germain – 10pm Saacada Geeska Afrika

Group B oo ay seddex dhibcood ku hogaamineyso Bayern Munich ayaa waxaa caawa fooda isgelin doona kooxaha Bayern Munich iyo Tottenham.

Kooxda Jarmalka guul ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka Champions League halka Tottenham ay barbaro kala soo kulantay Olympiakos.

Waqtiga la ciyaarayo Kulamada Group B:
Red Star Belgrade vs Olympiacos – 10pm Saacada Geeska Afrika

Bayern Munich vs Tottenham – 10pm Saacada Geeska Afrika

Group C kooxda Man City ayaa soo dhaweyneysa kooxda farqiga goolasha ku hogaamineysa Groupka ee Dinamo Zagreb.

Zagreb ayaa 4-0 ku soo garaacday Atlanta halka kooxda Man City ay 3-0 kaga soo badisay Shakhtar Donetsk

Waqtiga la ciyaarayo kulamada Group C:
Atlanta vs Shakhtar Donetsk – 7:55pm Saacada Geeska Afrika

Man City vs Dinamo Zagreb – 10pm Saacada Geeska Afrika

Group D kooxda Juventus ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Chamions League ka dib markii ay barbaro la soo galeen kooxda Atletico Madrid kulankoodii ugu danbeeyay.

Bianconeri waxa ay caawa soo dhaweyn doontaa kooxda kooxda Bayer Leverkusen oo guuldarro ku bilowday xilli ciyaareedka.

Kulanka kale ee Group D kooxda Atletico Madrid oo dhibic heysata ayaa u safreysaa kooxda hogaamineysa groupka ee Lokmotiv Moscow.

Waqtiga la ciyaarayo kulamada Group D:
Juventus vs Bayer Leverkusen – 10pm Saacada Geeska Afrika

Lokomotiv Moscow vs Atletico Madrid – 10pm Saacada Geeska Afrika