Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado in lagu ciyaaro garoonka Eng Yariisow

 Kooxaha Raadsan Sports Club Iyo Gaadiidka ayaa galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadaama kooxda Raadsan ay rabto inay soo tiigsato kaalimaha ugu sarreeya horyaalka, halka Gaadiidka ay ka ordeyso inay dib ugu dhacdo horyaalka heerka labaad ee dalka, waana sababta uu u yahay kulanka ugu xiisaha badan.

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxood isku arkaan wajiga hore horyaalka, waxaa 3-0 ku soo adkaatay naadiga Raadsan ciyaar dhacday 26-12-19.

Wiilasha Gaadiidka ayaa galabta raba inay ka aargotan naadiga Raadsan, maadaama kulankii hore looga soo adkaaday 3-0.

Kooxda Raadsana ayaa kala sarreynta horyaalka waxay ku jirtaa booska lixaad, iyado leh 11-dhibcood oo qura.

Wiilasha Gaadiidka ayaa fadhiya kala sarreynta horyaalka booska 9-aad, iyadoo leh 5-dhibcood, haddii ay galabta ka adkaato Raadsan waxay soo fariisan doontaa kaalinta 8-aad, iyadoo kaalinta 7-aad farqi gooldhalin looga hayn doono.

Labadan kooxood ayaa galabta dheeli doona kulankooda koowaad wajiga labaad ee horyaalka, maadaama horyaalka wareeggiisa labaad dib loo amba qaaday maalintii shalay ahayd.

Cabdimajiid Banteke oo ka mid ah xiddigaha dhowaan-galka ah kooxda Raadsan ayaa galabta laga yaabaa inuu ku soo bilaawdo safka hore kooxdiisa cusub ee Raadsan.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Gaadiidka vs Raadsan

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com