Kumaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka kulankii xalay dhexmaray Kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid?

 Kulan adag oo ka tirsan lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League ayaa xalay ka dhacay Magaalada Liverpool, iyadoo Reds oo kulankii hore looga soo adkaaday 1-0, markale looga badiyey 2-3.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Reds tartanka looga cirib tirsan cel-celis ahaan goolal gaaraya labada lugooda 2-4, kooxdii haysatay Champions League ayaana tareenka tartanka xalay laga tuuray.

Haddaba waxaa jiray xiddigo dhowr ah oo bandhig cajiib ah ku muujiyey garoonka Anfield, laakiin xiriirka UEFA waxa abaal-marinta xiddiga garoonka ee Man of the Match kulankan siiyey goolhayaha Atletico ee  Oblak.

Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Oblak ayaa loo gacan geliyey abaal-marinta xiddiga garoonka kulankii Liverpool iyo Atletico Madrid kaddib markii uu sameeyey 9 badbaadin.

Oblak ayaa sagaal badbaadin sameeyey kulankii kooxdiisa Atletico ay guusha ka gaartay xalay Liverpool, isagoo qiimeyntii uu helay ay ahayd 8.7, halka shabaq ilaaliyaha Liverpool ee Adrian uu kaliya saddex badbaadin sameeyey, isla markaana uu qalad weyn oo goolal looga dhaliyey ku kacay, waxaana qiimo ahaan uu helay 4.9.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com